Logo
NAVIGATION
Islamic Links
Videos
ABOUT US
Machadka Imamubukhaari waa machad caalami ah oo ka hawla gala dhammaan daafaha dunida oo dhan.
Machadku waxa uu raacayaa nidaam casri ah oo kuu sahlaya inaad adigoo gurigaaga jooga aad ka baran karto culuumta diinteena suuban ee islaamka, waxaana kuu dhigi doona macalimiin takhasus u leh qaabka wax barista iyo tarbiyaynta caruurta.
Machadka waxaad ka heli doontaa casharo tayo sare leh oo si heer caalami loo soo agaasimay waxaana kuu diyaariyay macalimiin aqoon sare u leh diinta islaaka.

Waxaad nagala soo xiriiri kartaa ciwaanada hoos ku xusan

Website: www.imamubukhaari.com

Email :info@imamubukhari.com ama dalxa99@hotmail.com

Free : 0014403480845

Mobile: 0025224147566



Photo Galley
Farriinta Macallinka
Macallinku waa waalidka labaad ee ilmaha sidaa awgeed waxa ka saaran masuuliyad aad u balaaran dhowrista iyo toosinta ardayga.

Sidaa awgeed macallimiinta imamubukhaari waxay mar kasta diyaar u yihiin toosinta iyo tayeynta ardayga ay wax barayaan, waxaanay markasta jecel yihiin wanaaga iyo horumarka ardaygooda.

Fariinta macallinka ee maanta ee uu halkan idiinku soo gudbinayaa waa dhammaan ardayda waxaanu uugu bushaaraynaynaa inay fudud tahay sida wax loo barto oo kaliya qofka looga baahna yahay inuu dadaalo illaahayna kaashato.